KU SOCOTA ILMAHA: WANAAGSAN IN LA OGAADO HADDAAD KA WELWELAYSO FAYRUSKA CORONA

Marka khatar ay dhacdo waa caadi in dhallaan ahaan la dareemo welwel iyo su’aallo badan. Halka waxaa ku qoran dhowr wax oo ku caawini oo ay wanaagsan tahay in la ogaado!

 

Ma ahan wax lala yaabo in la dareemo welwel

Ma ahan wax lala yaabo in laga walwalo ama laga baqo markay wax halis ahi dhacaan oo ey ka hadlaan dad badan oo qaan gaar ah.  Waxaa laga yaabaa inaadan aqoon u lahayn, waxaa laga yaabaa inaad maqashay ama qaarkood aad ka aragtay wararka ama shaashada internet.  Laga yaabee inaad garanayso qof isagu u xanuunsaday, wax ka soo gaareen ama uu saameeyay fayruska Corona.  Way fiicnaan kartaa in lagu fekero inuu fayruska Corona uu noqday war aad u weyn maxaa yeelay waa dhacdo aan caadi ahayn, isla markaana ay dad badan oo waaweyn ayaa ku mashquulsan yihiin sidii xal ugu heli lahaayeen.

La hadal qof weyn

Markay waxyaabo badan oo aan caadi ahayn dhacaan, badanaa waxaa ilmaha ku dhasha fikirro.  Mararka qaarkood wey adag yihiin fahanka waxa hareeraheenna ka dhacaaya iyo in keli ahaan la fahmo.  Kala hadal qof wayn oo deggan oo aad garanayso oo ku wanaagsan la hadalka. Wuxuu noqon karaa waalid, macallin ama qaraabo.  Weydii su'aalaha aad qabto oo dhan una sheeg waxa aad ku fakareeyso iyo dareenkaaga!  Waxaad kaloo la xiriiri kartaa dad kale oo waawayn oo ammaan ah oo ku siin kara taageero ama su’aalahaaga ka jawaabi kara.  Tusaale ahaan, waad wici kartaa, email ayaad u diri kartaa ama qoraal aad kula sheekeeysan kartaa BRIS ama saxiibka heeganka ee qaybta ururka dhallinyarada ee ururka Laanqayrta Cas.

Ha aaminin wararka been abuurka ah

Way fiican tahay in la xasuusnaado in marka ey dhacaan waxyaabo halis ah waxaa faafa warar been abuur ah. Sidaa darteed ha iska rumeeysan wax walba oo aad ka maqashid ama ka akhrisid internet-ka - kana taxaddar waxaad ku qorayso iyo waxaad ku qeeybinayso baraha bulshadu ku kulanto. Waydii qof wayn  oo kaa caawini kara in la kala saaro runta iyo beenta. Ha iloobin inaad adigu tahay cidda kala dooranaysa macluumaad inta ee aad doonayso inaad ogaato. Waa caadi inaad iska diido, ka tagto haddii qof wayn ama carruur ey ka uga hadleyaan fayruska Corona si ku welwel ama cabsi gelisa. Sidoo kale waa wax caadi ah inaad doorato telefishanka ama internet-ka in aadan ka daawan wararka la xiriira fayruska Corona.

Middan adiga ayaa sameeyn kara

Hayadda Caafimaadka Bulshada Sweden waxay bixisaa talooyin ku saabsan habkii loo maareyn lahaa faafidda fayruska Corona. Badankood dadka qaada fayruska wuxuu u qabatasi sahlan, sida hargab caadi ah ama duray faafay. Laakiin waxaa jira dad si xun u bukooda ama xitaa dhiman kara.  Waa kooxaha khatarta ugu jira. Badanaa waa dad waayeel ah iyo dad cudurro kale horey u qabay. Si looga caawiyo dadka u dhega nugul waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo ay tahay in la ogaado.

  1.  Ha booqan dadka da'da ah oo buka. Waxaa lagula hadli karaa taleefanka!
  2.  U dhaq gacmahaaga si joogto ah wakhti dheer! Isticmaal had iyo jeer saabuun iyo biyo oo taxadar. Illaa 30 tiri intaad saabuunta isku dhaqeeyso. Haddii aadan ku haysan biyo iyo saabuun meesha aad joogto, waxaad isticmaali kartaa alkhoolka gacanta.
  3.  Ku qufac oo ku hindhis xagasha gacantaada, ha u hindhisin si furan ama gacantaada!
  4.  Haddaad jiran tahay – joog guriga, naso illaa intaad ka caafimaado.

Samee waxyaabaha aad jeceshahay oo oo ku deg

Haddii aad walwalsan tahay, waxaa wanaagsan inaad samayso waxyaabaha aad caadiyan qabato oo aad adigu jeceshahay oo ku dejiya.  Waxay noqon kartaa inaad la hadasho asxaab, muusik dhageeysato, daawato filim, ciyaar aad ciyaarto.  Had iyo goor way wanaagsan tahay inaad dhaqdhaqaaqdid oo aad la xiriirto dadka aad xiiseeyso.  Ka hubso qof weyn wixii hawlo ah ee kugu habboon adigu inaad hadda sameeyso!