LGBTQ+

Waxaad halkaan ka akhrin kartaa xog ku saabsan waxa ay yihiin dabeecadaha ku xeeran jinsiga iyo dookhyada jinsiga. Waxaad xog ka akhrin kartaa sida ay u egtahay haddii aadan dareemayn sida ama ahayn waxa dadka kale kaa doonayaan inaad noqoto marka ay timaado jinsiga iyo dookha jinsiga. Ahaanshah qof LGBTQ+ ah. Waxaad sidoo kale akhrin kartaa xog ku saabsan sida ay u egtahay inaad noqoto qof kamid ah bulshada LGBTQ+ oo ku dhex nool qoysas leh dhaqano ku salaysan caadooyin iyo xaquuqaha dadka LGBTQ+ ga ah ay haystaan.

LGBTQ+ waxay u taagan tahay qaniisad, qaniis, dadka jecel raga iyo dumarka iyo qof ku dhasay xubnaha raga oo naah noqday mise qof ku dhashay xubaha dumarka oo nin noqday. Calaamada kudarta ayaa u taagan dadka kale ee aan qaabab kaladuwan awgood isku arkin inay la mid yihiin ama aysan ahayn waxa dadka kale ka filayaan inay yihiin marka laga hadlaayo aqoonsiga jinsiga, dareenka jinsiga iyo dookha jinsiga. Aqoonsiga jinsigu waa wax ku saabsan jinsiga aad isku aqoonsan tahay. Dareenka jinsiga ayaa ku saabsan nooca dharka iyo waxyaabaha kale ee la xariira jinsiga iyo muuqaalka. Dookha galmada waa nooca jinsi ee aad dareenka iyo/ama dareen galmo u qabto. Waxaa jira webseedyo kale ood ka helayso taageero ama xog dheeraad ah, iyo liiska erayada oo sharaxaaya waxa erayada qaar ee ku jira qoraalku ay ka dhigan yihiin.

Caadooyinka la xariira jinsiga iyo dookha galmada

Caadooyinka waxaa lagu qeexi karaa xeerar aan qornayn iyo filashooyin ku aadan sida ay tahay inaan ahaano ka shaqsi ahaan, u samayno waxyaabaha aana ula dhaqano dadka kale. Waxa loo yaqaano "wax caadi ah". Caadooyinka ayaa isbadala mar kasta wayna kaladuwan yihiin xiliyada kaladuwan. Caadooyinka ayaa sidaas awgeed la iska abuurtaa mana qeexaan sida dhabta ah ee wax yihiin ama ay tahay inay noqdaan. Waxaa jito caadooyin badan oo wanaagsan noona fududeeya waxyaabaha aan samayno markaan la joogno dadka kale. Waxay noqon kartaa, tusaale, inaad timaado waqtiga saxda ah aadna dadka kale ixtiraamto. Laakiin kuwaan ayaa sidoo kale ah caadooyin dhibaato noo gaysta.

Hal caado ayaa sheegaysa in ay kaliya jiraan laba jinsi - gabdho iyo wiilal. Waxaa sidoo kale lagaa doonayaa inaad noqoto jinsi qof kasta oo kale aaminsan yahay inaad tahay. Caadooyinka ayaa mar kasta qeexaaya sida ay tahay inaad u dhaqanto iyo waxa ay tahay inaad u ekaato markaad tahay gabadh ama wiil. Marka laga hadlaayo dookha galmada, waxaa jiro caado dhahaysa qof kasta wuxuu jecel yahay jinsiga kasoo horjeeda. Si kale hadaan u dhaho, gabdhuhu ay kaliya u kacsadaan iyo/ama galmo ahaan dareen u hayaan wiilasha, wiilashuna sidaas oo kale. Caadooyinkaan ayaa naga dhaadhicinaaya inaysan jirin qaabab kale ood noqon karto ama dareemi karto marka laga hadlaayo jinsiga iyo dookha galmada, laakiin runtii waxaa jiro qaabab badan oo kale! Waxaad ka akhrin kartaa qaar kamid ah liiskeena erayada. Waxaan sidoo kale haynaa tilmaamo ku aadan webseetyada qaar ood ka heli karto xog intaan kasii badan.

Sidaad u aragto jinsiga iyo dookha galmada ayaa isbadali kara intaad nooshahay. Kaliya adigga ayaa ogaan kara sida aad u fakarayso aadna dareemayso hadda. Majiro qof kale uu kuu go'aamin kara waxaad tahay. Dadka kama ogaan karaan muuqaalkaaga nooca jinsiga aad dareemayso inaad tahay ama jeceshahay inaad noqoto. Mana jiro wax kale ood u baahan tahay inaad samayso ama u cadayso dadka kale oo la xariira jinsigaaga iyo dookhaaha galmada si ay run u noqoto. Laakiin mar kasta maaha wax fudud inaad ogaato aadna qeexdo sida aad u aragto jinsigaaga iyo dookhaaga galmada. Muddo ayay qaadan kartaa inaad wax ka ogaato naftaada, taasi waa wax gabi ahaanba caadi ah. Qasab maaha inaad ogaatid.

Ahaanshaha LGBTQ+

Dadka qaar, ahaanshaha LGBTQ+ ayaa ku adag dadka qaar, halka qaar kale aysan ku adkayn. Way adkaan kartaa inaadan noqon aadana dareemin waxa qof kasta kaa filaayo inaad tahay. Waxaa laga yaabaa inaad ka walaacsan tahay waxa qoyskaaga iyo saaxiibadaa ay ka aaminsan yihiin jinsigaaga iyo dookhaaga galmada. Sidoo kale waxaa ku adkaan karta inaadan arkin dad kale oo kula mid ah oo jooga dugsiga, xarunta raaxada, garoonka ciyaaraha, guriga, macbadka yuhuuda/kaniisada/masaajidka, filimaanta/buugaagta/ciyaaraha ama meel kale. Dhammaan kuwaan ayaa ku dareensiin kara kalinimo ama inaad khaldan tahay. Waa muhiim inaad xasuusato inay jiraan qaabab badan oo kaladuwan ood dareemi karto markay timaado jinsiga iyo dookha galmada. Ma jiro wax aad uga saxan kan kale.

Dadka qaar ayaa aaminsan inay tahay cudur ama danbi inaad noqoto LGBTQ+, laakiin waa wax iskacad inaysan ahayn cudur ama danbi! Waa dadka kale iyo bulshada kugu xeeran waxa dhabka keenaaya, haddii ay kugu qasbaan inaad aaminto inaad khaldan tahay ama ku dareensiiyaan inaad danbi ku jirto ama ceebaysan tahay sabab la xariirta qofka aad tahay iyo dareenkaaga marka laga hadlaayo jinsigaaga iyo dookhaaga galmada.

Jaceelka iyo dookha galmadu waa inay noqdaan dareemo raaxo iyo u bogis leh! Inaad noqoto nin naag noqdayna waxay kaa dhigi kartaa qof wanaagsan oo saxan, ayadoon ku dareensiinaysa cidda aad dhab ahaantii tahay. Shafciga ayaa sheegaaya inaad xaq u leedahay inaad noqoto aadna dareento sidaad rabto adigu. Laakiin haddii adigga ama qof aad taqaano si xun loola dhaqmay, taageero ayaa la heli karaa. Waxaad awoodaa, tusaale, inaad nagalasoo xariirto qaybteena wada sheekaysiga (bog ku baxa Af Swedish iyo Ingiriis) ama waxaad la xariiri kartaa urur kale oo lagu sheegay halkaan.

LGBTQ+ iyo caadooyinka ku salaysan sharaf dhawrka

Caadooyinka sharafta ku salaysan waa xeerar aan qornayn iyo filashooyin ku aadan sida ay tahay inaad u maamusho noloshaada si aad u dhawrto dhaqanka qoyska iyo qaraabada. Haddii aadan samayn waxa lagaa filaayo, dadka kale ayaa aamini kara inaad ceeb usoo hoynayso qoyskaaga iyo qaraabadaada. Qoysaska leh caadooyinka sharafta ku salaysan, ka hadalka ama noqoshada qof LGBTQ+ayaa ah mawduucyo ceeb ah. Wax dadka aaminsan yihiin inay gabi ahaanba mamnuuc yihiin. Haddii dadka LGBTQ+ ah lasoo qaado, badanaa waxaa lagusoo qaataa sheekooyinka xunxun, tusaale inay yihiin cudur ama danbi. Arintaan ayaa kuu sahlaysa inaad aaminto inay arintaani run tahay, inkastoo aysan ahayn wax run ah marnaba. Haddii aad tahay ama aad dareemayso inaad noqon karto qof LGBTQ+ ah, arintaan ayaa xanuun kugu noqon karta. Sidoo kale waxay kugu adkayn kartaa inaad la hadasho ama taageero ka hesho qof gurigaaga ku nool.

Haddii aad tahay ama qoyskaagu aaminsan yahay inaad tahay qof LGBTQ+ ah, qoyskaaga ayaa xakamayn kara waxa aad samayso, sida aad u labisato iyo cidda aad la kulmayso. Waxay sidoo kale iskudayi karaan inay badalaan qaabka aad u aragto jigsigaaga iyo dookhaaga galmada. Laakiin maaha wax suuragal ah in la badalo jinsiga qofka ama dookhiisa galmada, ma jiraan wax kaa qaldan oo u baahan in la badalo! Si lamid ah qof kasta, dadka LGBTQ+ ah waxay xaq u leeyihiin jinsigooda iyo aqoonsigooda.

Haddii aad tahay ama aad aaminsan tahay inaad tahay qof LGBTQ+ ah, waxa ugu muhiimsan ee aan doonayno inaad ogaato ayaa ah inaad tahay qof cajiib ah sida aad tahayba - waxbana kaama qaldan! Waxaad xaq u leedahay inaad dareento si wanaagsan aadna noolaato nolol aan ku dhismayn caadada sharaf dhawrka oo dhibaato kugu ah. Waxaa jira taageero la heli karo haddii aad doonayso inaad qof kala hadasho fikradahaaga iyo dareemadaada, ama xog ku aadan sida xaalkaagu yahay markaad guriga joogto. Waxaa laga yaabaa inuu jiro qof dugsiga ku sugan ood dareemayso inaad talo u raadsan karto. Waxaad sidoo kale nagalasoo xariiri kartaa qaybteena wada sheekaysiga (bog ku baxa Swedhish iyo Ingiriis). Waan ku garan taaganahay. Markaad tahay qof LGBTQ+ ah, waxaad ka walwali kartaa in dadka kale si xun kuula dhaqmaan. Waxaan filaynaa inaad ku faraxsanaan doonto inaad nalasoo xariirto. Haddii kale, waxaa jiro ururo kale oo u shaqeeya dadka LGBTQ+ ah ood la xariiri karto. Waxaad ka helaysaa qaarkood halkaan.

Xaquuqaha dadka LGBTQ+

Gudaha Sweden, dadka LGBTQ+ waxay leeyihiin xaquuq iyo fursado la mid ah dadka kale sida sharcigu qabo. Ma jiro dookh galmo oo ganaax lagu mutaysan karo waxaadna xaq u leedahay inaad jeclaato qofkaad rabto. Waxaad sidoo kale guursan kartaa qof aad isku jinsi tihiin ama qof aad kala jinsi tihiin. Sidoo kale waa mamnuuc inaad takoorto dadka LGBTQ+ ah ee jooga dugsiga, tusaale ahaan. Takoorka ayaa ka dhigan in laguula dhaqmo si cadaalad daro ah. Lagulamana kici karo fal nacayb ah dadka LGBTQ+ ah. Danbiga nacaybka ayaa ah in qof uu ku xad gudbo, u hanjabo, dhibaateeyo ama uu rabshad kula kaco qof kale sabab la xariirta waxa uu yahay ama qaabka uu yahay. Waxay noqon kartaa sabab la xariirta dookha galmada ama sabab la xariirta inaad tahay nin naag iska dhigay.

Heshiiska Xaquuqda Carruurta, kaasoo lagu daray sharciga Sweden, ayaa qabanaaya qof kasta oo ka yar da'da 18 sano. Wuxuu sheegayaa inuusan jirin qof la takoori karo. Heshiiska Xaquuqaha Carruurta ayaa quseeya xaqa qof kasta u leeyahay nolol shaqsi ah, waqtiga raaxada, nabadgalyo iyo inuu dhisto noloshiisa iyo mustaqbalkiisa gaar ahaaneed. Tan ayaa sidoo kale qabanaysa dhalin yarada LGBTQ+ ga ah. Haddii xaquuqdaada la jabsho, caawimaad ayaad helaysaa. Halkaan ka akhri xog badan oo ku saabsan Heshiiska Xaquuqaha Carruurta (bog ku qoran af Swedhish).

Buuga macluumaadka "Xaquuqaha dadka LGBTQ+ ah ee ku dhaqan Sweden" waxaad ka helaysaa xog badan oo loogu talagalay qof kasta oo ah dhalin yaro LGBTQ+ ah iyo dadka ku cusub Sweden. Wuxuu sheegayaa, ayadoo waxyaabo kale la socdaan, inaad xaq u leedahay inaad codsato magangalyo aad ka hesho Sweden haddii lagugu takooraayo wadankaaga hooyo sabab la xariirta inaad tahay qof LGBTQ+ ah. Wuxuu sidoo kale sharxayaa sida aad caawimaad uga heli karto adeegga caafimaadka haddii aad tahay bukaan nin naag noqday ah iyo haddii aad doonayso inaad jirkaaga badasho si aad ugu ekaato waxa aad isleedahay in jinsigaagu yahay. Buuga macluumaadka ayaa ku qoran Carabi, Dari, Ingiriis, Kurmanji, Persian, Somali iyo Swedish. Waxaad ka helaysaa halkaan.

Tilmaamo ku aadan webseetyada aad ka helayso xog dheeraad ah iyo taageero markaad tahay qof LGBTQ+ ah

-       Dhalinta Wadanka Ku cusub – oo ah mashruuc loogu talagalay dhalin yarada LGBTQI ga ah (da'doodu y dhaxayso 15-30) kuwaas oo ah magangalyo doon, sharci la'aan ama dhawaan soo galay Sweden – www.newcomersyouth.se

-       RFSL (Midawga Sweden ee Xaquuqaha Qaniisada, qaniiska, Labeebshaha, Ninka naagta noqday, Nimoow Naag iyo dadka jinsiyada kala duwan leh) – www.rfsl.se (Fadlan ogoow: bogaan malahan qaybta cabsida ood bogga degdeg uga baxdo.)

-       Liiska macnayaasha erayada ee RFSL –  https://www.rfsl.se/hbtqi-fakta/begreppsordlista/ (Fadlan ogoow: bogaan malahan qaybta cabsida ood bogga degdeg uga baxdo.)

-       Adeegga Taageerada RFSL – https://www.rfsl.se/verksamhet/stod/rfsl-stodmottagning/ (Fadlan ogoow: bogaan malahan qaybta cabsida ood bogga degdeg uga baxdo.)

-       RFSL Ungdom (Xaquuqaha Qaniisada, qaniiska, Labeebshaha, Ninka naagta noqday, Nimoow Naag iyo dadka jinsiyada kala duwan leh) – www.rfslungdom.se (Waxay ku qoran tahay Swedish kaliya.)

-       Xogta gabdhaha, raga naagaha noqday iyo dadka da' yarta ah – www.tjejjouren.se (Waxay ku qoran tahay Swedish kaliya.)

-       Transammans – Ururka dadka nimoow naaga ah iyo dadka xariirka laleh – www.transammans.se (Fadlan ogoow: bogaan malahan qaybta cabsida ood bogga degdeg uga baxdo.) (Waxay ku qoran tahay Swedish kaliya.)

-       Isbadalka – taageero iyo xog ku aadan dhibaatooyinka haysta raga naagaha noqday – www.transformering.se (Fadlan ogoow: bogaan malahan qaybta cabsida ood bogga degdeg uga baxdo.) (Waxay ku qoran tahay Swedish kaliya.)

-       Xarrunta caafimaadka dhalin yarada ee oonleenka ah – www.umo.se (Fadlan ogoow: bogaan malahan qaybta cabsida ood bogga degdeg uga baxdo.) (Waxay ku qoran tahay Swedish kaliya.)

-       Youmo.se - Webseet qaybo kamid ah webseetka umo.se lagusoo bandhigaayo luuqado badan, sida Ingiriiska, Tigrinya, Somali, Dari iyo carabi. (Fadlan ogoow: bogaan malahan qaybta cabsida ood bogga degdeg uga baxdo.)

Liiska macnaha erayada la xariira jinsiga iyo dookha galmada

Asexual (Bilaa dareen) – Waa eray guud oo loo adeegsado dadka aan dareen galmo u qabin dadka kale ama aan wax xiiso galmo ah u hayn cid kale.

Bisexual (dadka jecel raga iyo dumarka) – Waa qof xiiso iyo jaceel galmo u qaba dadka kale jinsigay rabaan ha noqdaane.

Qof Cis ah – Waa ah jinsigii loo aqoonsaday markuu dhashay, tusaale, jinsiga sharciga ah ee loo aqoonsaday qofka markaas (gabar ama wiil). Qofka cis ka ah wuxuu leeyahay muuqaal jinsi oo waafaqsan caadooyinka bulshadu ka aaminsan tahay jinsigaas. Qofka cis ka ah waa kasoo horjeedka ninka naagta noqday. (Erayga Cis waxaa lagu macneeyaa af Laatiinka "wax isku gees ah".)

Heterosexual (qof jecel jinsiga kasoo horjeeda) – Gabadh/haweeneey dareen gamlo u qabta wiilasha/raga. Ama wiil/nin dareen gamlo u qaba gabadh/haweeneey.

Homosexual (khanis iyo khanisad) – Waa qof xiiso iyo jaceel galmo u qaba dadka kale ee ay isku jinsiga yihiin.

Bilaa jinsi – Dadka isku aqoonsada inay u dhaxeeyaan, saysan mid ahayn ama labadaba yihiin jinsiyada lab/dhedig ayaa iskugu yeeri kara bilaa jinsi. Waa eray loo adeegsado in lagu qeexo qaababka kaladuwan ee aqoonsiga shaqsiga ah ee qofka marka laga hadlaayo jinsi aan waafaqsanayn labada nooc ee jinsiyada caadiga ah. Bilaa jinsi ugama dhigna wax isku mid ah dhammaan qof kasta oo isku aqoonsada. (Laba jinsi midkood waa inay muujinaaya in wax ay ka koobnaan karaan kaliya laba wax oo kaladuwan, sida ahaanshaha gabadh ama wiil.)

Intersex/intersex variation (labeeb) – In qof lahaado jinsi iskudhafan ayaa ka dhigan in hoormoonada jinsiga, qanjirada (xiniyaha ama ugxanta gabdhaha) ama xubnaha galmadu ay u soo baxeen qaab kaduwan dadka kale. Haddii aad leedahay aqoonsiga jinsiga isku dhafan, waxaad iskugu yeeri kartaa oqf jinsigiisu isku dhafan yahay. Inaad lahaato xubnaha galamada oo dadka kale ka duwan waxba kama qusayso noocaaga jinsiga. Waxaad noqon kartaa gabadh, wiil, midna ama wax kale. Waxba kama galin dookha galmada.

Aqoonsiga jinsig – Waa jinsiga aad isku aqoonsan tahay. Maaha in qof kasta leeyahay aqoonsi jinsi.

Jinsiga muuqaalka – Sida qofku u qeexo jinsigiisa asagoo ku muujinaaya dharka, ishaarada jirka, qaabka timaha, codka iyo sifooyinka kale ee muuqaalkooda.

Pansexual (Cid walba ogol) – Waa qof u galmooda cid kasta ayadoon laga eegayn jingooda. Markaad tahay qof cid kasta ogol, waxaad aaminsan tahay inay jiraan jinsiyo badan oo kaladuwan, aysana ahayn kaliya laba jinsi.

Nimoow naag – Waxaa lagu qeexi karaa qof diidan caadooyinka la xariira jinsiga iyo dookha galmada. Nimoow naag ayaa sidoo kale noqon kara aqoonsi, "ahaanshaha nimoow naag", markaad diido in laguu yeero gabadh, wiil, labeebshe, wiil gabdhaha jecel ama gabadh wiilasha jecel ama qaniis. Eraygaan ayaa la adeegsan karaa sabab la xariirta inaadan jeclayn kala qaybintaan lagu saleeyo waxa loo arko "caadi" iyo waxa loo arko "wax aan caadi ahayn" marka laga hadlaayo jinsiga iyo dookha galmada. Waxay sidoo kale noqon kartaa sabab la xariirta in waxa aad ka aaminsan tahay jinsiga iyo/ama dookha galmada inaan lagu sharixi karin eray kale oo kasta.

Dookha galmada – waa nooca jinsi ee dadka aad dareenka iyo/ama dareen galmo u qabto. Waxaad noqon kartaa, tusaale, nin naag jecel ama naag nin jecel, qaniis, labaabshe ama nimoow naag. Waxaa jiro qaabab kale oo aad u badan ood dareemi karto iyo erayo qeexaaya.

Qof ku dhashay xubnaha raga oo naag noqday iyo qof ku dhashay xubaha dumarka oo nin noqday – Waa dadka aan ahayn ama dareemayn sida caadooyinka jinsiga iyo aqoonsiga jinsgu ka doonayaan inay noqdaan. Waxay noqon kartaa, tusaale, qof ay dadka kale u arkaan gabadh, laakiin asagu isku arka wiil. Ama qof aan isku arag gabadh ama wiil. Waxba kama gelin cidda ay u kacsadaan ama dareen galmo u qabaan. Qofka minoow naag ah waa kasoo horjeedka qofka cis ka ah. (Erayga Trans laatiinka waa “isdhaaf”.)

Transsexual (Qof leh dareen ka duwan sida uu u muuqdo) – Waa qof aaminsan inaan jirkiisu waafaqsanayn jinsiga uu isku arko. Waa wiil markuu dhashay ahaa gabadh sharciyan. Waa gabadh markay dhalatay ahayd wiil sharciyan. Dadka gadaal ka noqda nin ama naag ayaa badanaa doonaaya inay badalaan jinsigooda sharciga ah ayna wax ka badanaa jirkooda si ay u taageeraan, tusaale, hoormoonadooda iyo/'ama qaliin. Arintaan waxba kama gelin cidda ay u kacsadaan ama dareen galmo u qabaan.