MUXUU SHARCIGA KA QABA GUURKA?

Adiga ayaa iska go’aansada haddii aad qof guursanayso iyo inkale. Qofna looma oggola inuu kugu qasbo, ka dhaadhiciya ama kugu khiyaana inaad qof guursato. Halkan, waxaad wax badan ka akhrisan kartaa waxa uu sharcigu ka qabo guurka iyo waxaad sameyn karto haddii aad ka walwalsan tahay in guur lagugu qasbo.

Ma waxaad ka baqeysaa in lagugu qasbo guurka? Caawimaad weydiiso qof aad ku kalsoon tahay. Wac 112 haddii aad si degdeg ugu baahan tahay badbaadin iyo caawimaad. Waxaad marwalba nalaga xiriiri kartaa adeeggeena wadahadalka si aad u hesho taageero iyo talo.

Adiga ayaa iska go’aansada haddii aad qof guursanayso iyo inkale. Haddii aad rabto, waxaad xaq u leedahay inaad guursato qof kasta. Adiga iyo qofka aad guursaneysaa waa inaad ka weyn tihiin 18 sanno, taasoo laga wada inaad gaarteen da'da qaan-gaarnimo, si aad u guursato. Adiga iyo lammaanahaagu waa inaad ka soo qeyb gashaan arooska oo aad ogolataan inaad is guursataan. Waxaad keliya ah guursan kartaa hal qof. Haddii aad rabto inaad guursato qof kale, waa inaad marka hore kala tagtaan qofka aad is qabteen. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu go'aansado haddii u doonayo furriin iyo in kale.

Marka ku qasbida qof inuu guursado waa ka mamnuuc Sweden.

1dii Luulyo 2020, waxaa Xeerka Ciqaabta ee Sweden lagu daray fal dambiyeed cusub oo loo yaqaan dambiga guurka carruurta.

Ku saabsan guurka caruurta iyo mamnuucida ka bixitaanka dalka

Qof kasta oo ku qasba ama u oggolaada ilmo ka yar 18 sano inuu guursado ama galo xiriir guur oo kale ah waxaa maxkamadda sharciga ah ee Sweden lagu soo oogi karaa dambi guur carruurta. Sida kale qofka ilmaha guursada waa la ciqaabi karaa, mararka qaarna qofka meherku fuliyay. Dembiga waxaa lagu mutaysan karaa ilaa afar sanno oo xabsi ah.

Sharcigan cusub ee la soo saaray 2020 ayaa sidoo kale soo rogaya mamnuucida ka bixitaanka dalka, si loo ilaaliyo carruurta halista ugu jirta in laga saaro Sweden si loogu sameeyo guur carruureed. Qof kasta oo ku xadgudba mamnuucista ka bixitaanka dalka waxaa lagu xukumi karaa ilaa labo sanno oo xabsi ah. Haddii ilmuhu laga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, ilmuhu ma heli karo baasaboor. Haddii ilmuhu horey u haystay baasaboor, waa lagala noqon karaa.

Waxyaabaha la tixgeliyo haddii aad u safreyso dibadda

  • Xaaladaada u sheeg qof aad ku kalsoon tahay. Sii qofkaas faahfaahinta cinwaanka iyo xiriirka, nuqul ka mid ah baasaboorkaaga iyo taariikhda aad qorsheyneyso inaad soo laabato. Waxaad sidoo kale qofka kula heshiin kartaa inuu isagu ama iyadu la xiriiraan degmada ama safaaradda Sweden haddii aadan soo laaban ama aadan xiriir samaynin marka taariikh cayiman la gaaro.
  • Kasoo qor nambarka telefoonka iyo cinwaanka iimeylka qofka joogaa adeegga bulshada ama booliiska aad lasoo xiriirtay, ama qof kasta oo Sweden joogaa oo aad xiriir la yeelatay oo aad ku kalsoon tahay.
  • Soo qaado telefoonkaaga gacanta iyo SIM kaar dheeraad ah.
  • Qor ama xifdi nambarka telefoonka iyo cinwaanka iimaylka safaaradda Sweden ama qunsuliyadda waddanka aad u safreyso.
  • Qor macluumaadka xiriirka ehelkaaga ama asxaabtaada wadanka aad u safreyso kuwaas oo aad u maleyneyso inay ku caawin karaan.
  • Hel macluumaad ku saabsan sharciyada khuseeya, tusaale ahaan, guurka iyo gargaarka aad ka heli karto waddanka aad u safreyso. Waxaad wici kartaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ama urur mutadawacnimo u shaqeeya.

Khataraha u safridda dibada

Guur badan ayaa ka dhaca dibaddaha. Haddii aad u malaynayso inay jirto khatar ah in lagugu qasbo guur intaad dibadda joogto, waa inaad isku daydaa inaad joojiso safarka, maadaama ay ku adag tahay mas'uuliyiinta Sweden inay ku caawiyaan markaad dibadda ku sugan tahay. Caawimaad ku saabsan joojinta safarka, waxaad la hadli kartaa urur mutadawacnimo u shaqeeya, booliska ama adeegyada bulshada.

Wax badan ka ogow Websaydhka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku saabsan dembiga la xiriira sharaf riidista(boggan wuxuu ku qoran yahay Iswidhish). Fadlan la soco: ma jirto batan argagax oo si degdeg ah uga bixi karto websaydhka.

Caawimaada laga heli karaa hay'adaha Iswiidhishka ee dibadda

Haddii aad tahay muwaadin Iswiidhish ah, qaxooti ama qof bilaa waddan ah oo ku nool Iswiidhan, waxaad caawimaad ka heli kartaa safaaradaha iyo qunsuliyadaha Iswiidhan inta aad dibadda joogtid. Haddii aad ku jirto xaalad degdeg ah, hanjabaad ama rabshad darteed, ama lagugu qasbay inaad guursato ama aad ku sii joogto wadan kale adigoon haysan baasaboor ama tigidh aad ku laabato dalkaaga, safaaradaha iyo qunsuliyadaha Iswidhan ayaa kaa caawin kara:

  • Bixinta talada iyo taageerada.
  • La xiriirida qaraabada ama xalinta dhibaatooyinka kale.
  • La xiriirida qareen difaaca, dhakhtar ama turjumaan.
  • Diyaarinta baasaboor ku meel gaar ah ama mid caadi ah.
  • Amaahin lacag si aad ugu safarto Sweden.

Laakiin mararka qaarkood way adkaan kartaa in aad caawimaad hesho, tusaale ahaan haddii sharcigu waddanka aad joogto duwan yahay. Haddii aad tahay muwaadin Sweden iyo wadanka aad u socoto labadaba, way adkaan kartaa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden, safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay ku caawiyaan, maadaama ay ku qasban yihiin inay si waafaqsan ku shaqeeyaan shuruucda iyo qawaaniinta dalkaas. Wax Sweden dembi ka tahay waxaa laga yaaba inaysan dembi ka ahayn dal kale. Haddii mas'uuliyiinta waddanka kale aysan diyaar u ahayn wadashaqeyn, markaa way ku adkaan kartaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay kaa caawiso inaad ku laabato Sweden tusaale ahaan.

Xusuusnow in tani ay tahay waxa sharciga Sweden dhigayaa!

  • Waxaad had iyo jeer xaq u leedahay inaad diido guurka haddii aadan rabin in lagu guursado. Hanjabaad ama ku qasbid qof inuu guursado, tusaale ahaan xadgudubka, waa sharci daro.
  • Labada qof ee isguursanaya waa inay labaduba joogaan arooska oo ay bixiyaan ogolaanshahooda in ay isguursadaan.
  • Hay'aadaha Iswiidhishka way diidi karaan inay aqoonsadaan guurka dibidda ah ee si qasab ah ku dhacday. Laakiin haddii aad hore u guursatay, way adag tahay inta badan inaad maxkamadda horteeda ka caddeyso inay qasab ku dhacday. Sidaa darteed waa muhiim inaad hore u dacwootid oo xasuusnow in sharcigu ay ku difaacaysaa.
  • Waa inaad tahay 18 sanno jir si aad u guursato.
  • Haddii aad horey u guursatay hal qof, ma guursan kartid qof kale adiga oo aan marka hore furiin helin.
  • Haddii aad hore u guursatay, waxaad markasta furiin ka heli kartaa Sweden, laakiin waxaa suuragal ah inaadan helin furiin dibadda ah.

Wax badan ka ogow

Hay'adaha Iswiidhiishka ee dibidda (Fadlan la soco: ma jirto batan argagax oo si degdeg ah uga bixi karto websaydhka.)

Dawlada (Fadlan la soco: ma jirto batan argagax oo si degdeg ah uga bixi karto websaydhka.)