KHURAAFAAD KU SAABSAN XUUBKA BIKRADA

Ma ogtahay in run ahaantii uusan jirin xuubka bikrada? Sidoo kale inaysan macquul ahayn in la ogaado in gabadh ay tahay bikro iyo in kale.

Mararka qaarkood dadku waxay u yaqaanaan xuubka bikradda inay tahay xuub khafiif ah taasoo daboosha furitaanka xubinta taranka ee haweenka oo jaba marka ugu horreysa ee aad galmo sameysid. Laakiin dhab ahaantii ma jiro xuub noocaas ah. Run ahaantii waxaa meesha jira unug yar oo dhuuban oo xuubka ah oo ku wareegsan furitaanka xubinta taranka, tanna waxaa loo yaqaana xuubka bikrada. Muuqaalkeedu aad buu u kala duwanaan karaa wax ujeedo gaar ah ma qabato.

Xuubka bikrada oo cadeyn u ah bikranimada waa khuraafaad

Muddo dheer ayaa la sheegay in haweenku ay xuub ku leeyihiin xubinta taranka taasoo dillaaca markii ay galmooto, ilaa iyo inta ay meesha taalo waxay tani caddeyn u tahay in gabadhu ay bikro tahay (aan galmo samayn). Laakiin ma jiro xuub noocaas ah, tan waa khuraafaad. Taa bedelkeeda, waxaa jira laab maqaar ah oo ka kooban unugyo xuub ah, hal ilaa labo sentimitir gudaha marrinka xubinta taranka haweenka.

Xuubka bikrada lama jabin karo, ha noqoto xubinta taranka ragga ama shay kasta oo la galiyo xubinta taranka haweenka. Dad badan ayaa sidoo kale moodaa in dhiiga ka yimaada xubinta taranka haweenka uu caadi yahay marka ugu horeysa ee aad galmo sameyso. Runta waxay tahay in boqolkiiba 70 gabdhaha aysan dhiig bixin markii ugu horreysa ay galmada sameeyaan. Sidoo kale macquul maahan in xubinta taranka gabadha aad eegmada ku ogaato inay bikro tahay iyo in kale. Sida aadan ka arki karin xubinta taranka ragga inuu galmooday, sidoo kale kama ogaan kartid xubinta taranka dumarka.