SHARCIGU MUXUU KA YIRI RABSHADA?

Dad badan waxay xadgudub jireed u arkaan rabshad, laakiin rabshadaha waxay yeelan kartaa qaabab badan oo kaladuwan. Dhammaan noocyada rabshadaha waa dambi! Halkan, waxaan ku sharraxaynaa noocyada kala duwan ee rabshadaha iyo xadgudubka iyo waxyaabaha ay kooban yihiin.

Ma lagugula kacay gacan-ka-hadal ama ma garanaysaa qof kale oo lagula kacay? Ku wargeli booliska adigoo wacayaa nambarka 114 14. Haddii ay jirto xaalad degdeg ah, wac 112.

Qofna looma oggola inuu kugu xadgudbo, maskax ahaan ama jir ahaanba. Qof kasta, carruurta iyo dadka waaweynba, waxay xaq u leeyihiin nolol ka madhan rabshad. Si kastaba ha noqotee, dadku waxay rabshado noocyo kala duwan ku dhacaan maalin kasta.

Xadgudub jireed

Xadgudubka jireed micnaheedu waxaa weeyaan in rabshad ka dhanka ah jirkaaga lagu kacay, ay ku kaceen qof ama dad badan. Tani waxay noqon kartaa feerid, laadid ama dharbaaxo, ama rabshado nooc kasta oo loo adeegsado hub/walax ah.

Rabshada jireed ee dadban waxay noqon kartaa markuu qof nooc ka mid ah ficil gacan ka hadal ah u geysanayaa qof kale taasoo leh cawaaqib jireed, sida in loo diido hurdo ama cunto.

In qof loo geysto gacan ka hadalka jireed MARWALBA waa dambi.

Xadgudub maskaxeed

Xadgudubka maskaxeed waxaa ka mid noqon kara in loogu yeero ereyo ku dheehan xaasidnimo, aflagaado iyo sharaf dhac ah. Waxay kaloo noqon kartaa hanjabaado, oo si toos ah qof lagu weeraaro ama hanjabaad ah in la is-waxyeeleeyo haddii qofku uusan oggolayn inuu addeeco waxyaabaha qaar.

Xadgudubka maskaxeed ma keento dhaawac jireed oo muuqda, laakiin wuxuu dhibbanaha u keenaa xanuun maskaxeed. Maaddaama xadgudubka maskaxeed aan la arki karin, way ka sii adkaan kartaa in la ogaado oo la caddeeyo, laakiin weli waxay la mid tahay dembi aad u weyn sida xadgudubka jirka.

Xadgudubka galmada

Markuu qof fal galmo oo ka dhan ah raabitaanka qof kale ku sameeyo, tani waa dambi galmo. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah kufsiga, kufsiga waxyeellayn u geysid, kufsiga carruurta, faraxumeyn galmada, ka faa'iidaysashada galmada, dhibaateynta galmada, iibsashada adeegyada galmada iyo soo iibsashada (in dhaqaale ahaan looga faa'iideysto qof kale si loola galmoodo oo magdhow la siiyo). Waxaan oo dhan waa dambi! Waxaad wax dheeraad ah ka ogan kartaa dambiyada galmohalkan.

Rabshadaha iyo dulmiga la xiriira sharafta

Qeybaha kamid ah qoyska qaarkood iyo qoysaska ballaaran, sharafta aad ayay muhiim u tahay, taas oo macnaheedu tahay inay inta badan jiraan sharciyo iyo xayiraaddo gaar ah. Tusaale ahaan, dadka waaweyn waxay go'aansan karaan saaxiibada ay caruurtoodu yeelan karaan, kuwa ay wakhti la qaataan oo ay guursadaan, iyo dharka ay caruurtu xiran karaan. Haddii aad jabiso sharciyada waa laguu hanjabayaa ama xitaa waxaad lagu marsiin karaa gacan ka hadal iyo noocyo kale oo xadgudub ah. Xeerarku badanaa way ku adag yihiin gabdhaha iyo haweenka, laakiin wiilasha iyo ragga waxay sidoo kale la kulmaan dulmi iyo rabshado la xiriira sharafta, oo ay ku jiraan in lagu qasbo inay ilaaliyaan oo ay xakameeyaan walaalahooda.

Waxaan oo dhan waa xadgudub xuquuqda aadanaha, laga bilaabo 1-da Luulyo 2020 waxaa jira sharci rogayaa ciqaab adag loogu talagalay wax ka qabashada dambiyada ku xadguduba sharafta. Ka socota qoraalka Xeerka: ''Marka laga soo tago waxa khuseeya nooc kasta oo fal dambiyeed ah, xaaladaha daran loo maro qiimeynta dambiyada waa in lagu xisaabtamaa gaar ahaan [...] haddii ujeeddada dambigu ahayd in la ilaaliyo ama la soo celiyo sharafta qof ama qoyska, qoys ballaaran ama koox kale oo la mid ah.”

Rabshad maadi ah

Rabshadaha maadiga ah waxaa loola jeeda marku qofku burburiyo alaabaha uu qof kale leeyahay, ama marku qofka ku qasbo inuu burburiyo alaabtiisa.

Rabshad dhaqaale

Rabshadaha maaliyadeed waxay noqon karta marku qof xakameyo qaabka u qof kale u isticmaalo lacagtiisa, isagoon sharci u lahayn inuu sidaa sameeyo. Rabshadaha maaliyadeed waxay sidoo kale noqon kartaa ku qasbida qof kale inuu qaato lacagaha amaahda, ama xakamaynta dhaqaalaha qofka kale iyo hantidiisa maadiga ah si loogu abuuro go'doomin iyo u nuglaansho, iyo in qofka laga dhigo mid ku tiirsan dhaqaale. Xaaladaha qaarkood, qof ay ku adag tahay inuu maareeyo dhaqaalahooda waxaa loo xilsaari karaa qof loo yaqaan wakiilka. Wakiilka waxaa marwalba magacaaba maxkamad.

Dayac

Dayacaad waxay ka kooban tahay waxyaabo badan. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, ay kamid tahay haynta ama isku dhejinta waxyaalaha qof kale ugu baahan yahay sida saxda ah, sida cuntada ama daawada. Waxay sidoo kale noqon kartaa diidista inaad ilmaha ugu labisato dhar dhaxameed marku banaanka qabow yahay, ama waalid ahaan/mas'uulka aan siinin ilmaha kalgacal ama amniga.

Ciqaab jireedka

Garaacista ilmaha waa dambi gudaha Sweden. Dhammaan rabshadaha ka dhanka ah caruurta waxaa la mamnuucay 1979. Tan waxaa loola jeeda in waalidiinta aan loo oggolayn inay garaacaan carruurtooda. Ilmuhu waa qof kasta oo da'diisu ka yar tahay 18 sanno. Sweden waxay ahayd waddankii ugu horreeyay adduunka ee mamnuuca rabshadaha ka dhanka ah carruurta, oo loo yaqaan ciqaab jireedka. Nasiib darro, carruur badan baa weli xadgudub loogu geysto guriga. Rabshaddu waxay ka dhacdaa dhammaan qaybaha bulshada, dhammaan kooxaha xirfadleyaasha iyo meelaha la deggan yahay – laakiin marwalba waa dambi waana in markasta loo gudbiya booliska.